FT: Barcelona oo sharafta ka qaadday Real Madrid xilli Suarez uu saddex jeer shabaqa u laabtay!

FT: Barcelona oo sharafta ka qaadday Real Madrid xilli Suarez uu saddex jeer shabaqa u laabtay!

Axad, October, 28, 2018(HNN) Markii dib la isugu soo laabtay waxaa is beddelay jawiga ciyaarta, maadaama bilawga qaybta labaad ee ciyaarta Real Madrid ay kusoo laabatay qaab awood badan.

Balse dadaalkii ay kusoo laaban lahayd waxaa daadka raaciyay gool kale oo ay Barcelona dhalisay.

Isku soo wada duubee waxaa qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay naadiga Barcelona oo iska raaxeysanaysay.

Daqiiqaddii 10-aad ee ciyaarta waxaa goolasha daah furay laacibka kubbada u sameeya Barca ee Philippe Coutinho ka dib baas uu ka helay Jordi Alba.

Waxaase goolkii labaad raacsaday Luis Suarez oo rigoore ka billaabay saddexleydiisii El Classico ee caawa daqiiqaddii 30-aad.

Markii qaybta labaad la isu soo laabtay waxaa gool agoon ah u dhaliyay difaacooda Marcelo daqiiqaddii 50-aad.

Awooddii Real Madrid waxaa gebi ahaan kala dhantaallay qaladaad ay sameeyeen difaacyadeeda.

Los Blancos ayaa waxaa goolka saddexaad ka dhaliyay Luis Suarez oo goolkiisa labaad ee ciyaarta dhaliyay kubbad uu ka helay Sergi Roberto daqiiqaddii 75-aad.

Daqiiqaddii 83-aad waxaa Goolka afraad raacsaday isla Suarez oo goolkiisii Hat-trick-ga shabaqa geliyay baas kale oo uu soo taraarixiyay Sergi Roberto.

Ugu dambeyn waxaa joogga ka riday Madrid daqiiqaddii 87-aad Arturo Vidal oo goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona dhaliyay tan iyo markii uu xagaagii kusoo biirray.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.