Senator ka tirsan Aqalka Sare oo walaac ka muujiyay amniga Baydhabo iyo faragelinta doorashada

Senator ka tirsan Aqalka Sare oo walaac ka muujiyay amniga Baydhabo iyo faragelinta doorashada

Talaado, October, 2018(HNN] Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xaalada amniga Baydhabo iyo sida ay u socoto diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Senator Ilyaas ayaa ugu baaqay shacabka Koofur Galbeed inay ilaashadaan midnimadooda, isla markaana ay xusuusnaadaan dhibaatooyinkii iyo taariikhihii madoobaa ee ay soo mareen.

“Waxaan aad uga walwalsanahay sida ay u socoto diyaar garowga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, xaalada amniga iyo faragelinta lagu haayo, waxaa xusuusinayaa shacabka Koofur Galbeed dhibaatooyinkii u gaarka ahaa deegaanadan ee ay soo mareen”ayuu yiri Senator Ilyaas.

Shir jaraa’id oo habeen hore ku qabteen magaalada Muqdisho Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada Koofur Galbeed, isla markaana musharaxiin gaar ah ay taageereyso.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay gaarayay ciidamo ilaalo u ah Musharaxiin iyo diyaarado sida gawaarida aan xabada karin, waxaana isa soo tarayay walaaca laga muujinayay xaalada kala guurka ee ay magaalada gashay.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.