Barcelona Oo Bisha January Chelsea Kasoo Qaadanaysa Daafacan.

Barcelona Oo Bisha January Chelsea Kasoo Qaadanaysa Daafacan.

Axad, November, 4, 2018(HNN) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay markale dib ugu laaban doonto suuqa kala iibsiga si ay Camp Nou u keento xidig ka ciyaara daafaca dhexe.

Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa doonaysa in ay iska daboosho dul-duleelada kajira daafaceeda, maadaama ay doonayaaan ku guulaysiga koobabka La Liga iyo Champions League.

si kastaba ha ahaate, majaladda Sunday Express ayaa shaaca ka qaadday maanta oo axad ah in ay Barcelona bisha janaayo ay Blues kasoo qaadan dooonto daafacii hore ee PSG David Luiz.

Xidigan heerka caalami ee reer Brazil ayaa qanadaraaskiisa Stamford Bridge ku egyahay dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Warkan ayaana kusoo beegmaya xilli tababaraha waqtigan ee Barca Valverde uu sheegay in Barcelona ayasan bisha janaayo ka dukaamaysan doonin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maadaama uu tababarka dib ugu soo laabtay Samuel Umtiti.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.