Iska illow kooxaha Ingiriiska iyo kuwa Taliyaaniga, Aaron Ramsey loollankiisa oo hooggaan cusub yeeshay!

Iska illow kooxaha Ingiriiska iyo kuwa Taliyaaniga, Aaron Ramsey loollankiisa oo hooggaan cusub yeeshay!

Axad, November, 4, 2018(HNN) Waxaa illaa iyo hadda aanan meel u dhicin mustaqbalka laacibka Arsenal ee Aaron Ramsey kaasoo xaaladdiisa suuqa ay tahay mid qasan.

Kubbad sameeyahan waxaa qandaraaskiisa Emirates uu dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan, kooxo badan ayaana isku haya saxiixiisa.

Chelsea iyo Liverpool oo isaga haray baacsigiisa marka laga reebo, Manchester United iyo kooxaha Taliyaaniga ka dhisan ayaa dhammaan u hanqal taagaya saxiixa Ramsey.

Hase ahaatee waxaa si lama filaan ah ugu soo biirray baacsigiisa kooxda Bayern Munich, taasoo hadda ugu cad cad loollankiisa.

Laacibka reer Wales ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha dalka Italy ka dhisan, waxaana ka mid ah Lazio, Juventus iyo AC Milan.

Kooxda Bundesligaha ka ciyaarta waxa ay muujisay xiisaha ay u qabto 27-sano jirkan, kaasoo xagaaga soo aaddan soo gabagabeyn doono 10 sano oo uu ku sugnaa kooxda Arsenal.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.