Jose Mourinho Oo Ka Warqaba Hal Arrin Oo Uu Ku Wayn Karo shaqadiisa.

Jose Mourinho Oo Ka Warqaba Hal Arrin Oo Uu Ku Wayn Karo shaqadiisa.

Axad, November, 4, 2018(HNN) Tababaraha heerka caalami ee reer Portugal ayaa tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan lala xiriirinayay in laga eryo doono shaqada Old Trafford.

Mourinho ayaana ah tababare ay caado u tahay in inta badan laga cayriyo shaqooyinka kooxaha uu maamule tuusaale ahaan, Real Madrid, iyo Chelsea oo u danbaysay.

Yeelkeede, Sunday Telegraph ayaa shaaca ka qaadday in tababare Jose Mourinho uu fahansanyahay in ay shaqadiisu halis gali doontoo haddii Man United aysan gaarin wareegyada bug baxda ee UEFA Champions League.

Tan ayaana kadhigan in Jose Mourinho uu shaqadiisa wayn karo haddii aysan United meel wacan katiigsan tartanka Champions League.

Halka sidoo kale warkani uu caddayn u yahay sida marwalba uu Jose uga fakarayo sii joogista shaqada Old Trafford isaga oo ku shaqeenaya jawin aan xasilnayn.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.