Wayne Rooney oo kusoo laabanaya qaranka England Maxay tahay sababta?

Wayne Rooney oo kusoo laabanaya qaranka England Maxay tahay sababta?

Axad, November, 4, 2018(HNN) Weeraryahankii hore ee Manchester United, Wayne Rooney ayaa si la yaab leh ugu soo laabanaya qaranka Ingiriiska kullan ay la ciyaarayaan qaranka USA.

Sida ay ku warramayso The Sun, waxa uu Rooney hooggaamin doonnaa isagoo Captain u noqon doona kullanka Wembely ay xulka Saddexda Libaax kula qaadan doonnaan USA.

Waxaa uu gooldhaliyaha ugu sarreeya ee Red Devils ayaa heli doona kullankiisa 120-aad ee ee ciyaaraha caalamiga ah.

Wiilka kusoo caan baxay kooxda Everton ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ku biirray kooxda MLS-ka ciyaarta ee DC United.

12 gool ayuu u dhaliyay kooxda reer Mareykan, waxaana uu ka saaciday inay inay gaaran Play-Offs-ka MLS-ka, oo ay ciyaaraan kooxaha ugu sarreeya kala sarraynta horyaalka dalka USA, ka hor inta aysan Colombus ka cirib tirin tartanka.

33-jirkan ayaa ciyaartaas kusoo laaban doono waxaana uu si caadi ah kaga fariistay England sanadkii hore isagoo kullankii ugu dambeeyay wajahay Scotland, ciyaar ka dhacday Hampden.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.