Barcelona oo difaacyo cusub ka raadineysa Premier League-ga!

Barcelona oo difaacyo cusub ka raadineysa Premier League-ga!

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Difaaca kooxda Chelsea ee David Luiz iyo Captain-ka Arsenal ee Laurent Koscienly ayaa labaduba bartilmaameed u ah kooxda kubadda cagta ee Barcelona.

Blaugrana ayaa la daala-dhaceysa dhibaatooyin dhaawacyo ah oo soo gaaraya difaacyadeeda, tii oo ay Jirto in Thomas Varmealen uusan si wanaagsan xilli ciyaareed kaga qayb qaadan karin Ole’olaha kooxda.

Ka dib dhaawaca jilibka kasoo gaarray difaaca Barcelona ee Samuel Umtiti, waxa ay kooxda reer Spain billawday inay raadiso difaacyo kale oo kooxdan saacidi kara.

Mundo Deportivo ayaa werrineysa in Barca ay bartilmaameed ka dhiganeyso Koscienly oo ah xiddigga ugu waqtiga dheer Gunners ka dib Aaron Ramsey.

Hase ahaatee, xiddigga reer France ayaa nasiib u yeellan waayay inuu ka qayb noqdo xulkii France ee kusoo guuleystay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Russia 2018.

Taasna waxaa usii dheer in Macallin Unai Emery uusan diyaar u ahayn inuu heshiis cusub siiyo laacibkan, taasoo Barcelonau gelineysa hammi ah inay xiddiggan helaan.

Haddii aysan taasi dhicin waxa ay kooxda Macallin Ernesto Valverde maankeeda siineysaa difaaca kooxda Chelsea ee David Luiz.

Iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Barca ay siin doonto difaac walba oo labadooda ka mid ah heshiis lix-bilood oo hordhac ah, haddii ay noqdaan kuwo muunad fiican la yimaadane ay waxa ay usoo bandhigi doontaa heshiis kale oo ugu yaraan sanad dheerraad ah.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.