Liverpool oo dalabkeeda ugu horreysay ka gudbisay laacib bartilmaameed u ah Barcelona.

Liverpool oo dalabkeeda ugu horreysay ka gudbisay laacib bartilmaameed u ah Barcelona.

Isniin, November, 5, 2018(HNN) Xilli saxiixa laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot ay isku hayeen kooxo badan oo ay ka mid tahay Barcelona, ayaa waxaa soo if baxaya in Liverpool ay kusoo laabatay doonista xiddiggan.

Waxaa jirtay suuqii xagaaga in Macallin Jurgen Klopp iyo kooxdiisa ay xaqiijiyeen inaysan wax xiiso ah u qabin adeegga xiddigga khadka dhexe.

Waxaase lagu soo warramayaa inay ka dul boodday kooxihii doonayay, isla markaasna waxa ay dalab u gudbisay kooxda PSG.

Wargeyska kasoo baxa gobolka Catalonia ee Mundo Deportivo ayaa daaha ka rogay in loollanka ay hadda hooggaamineyso naadiga reer England.

Lama shaacin dalabka ay gudbisay Reds inta uu la egyahay, se waxaa ay billawaday inay la fal-gasho dhiggeeda si ay kagala hadasho in suuqa January ay laacibkan ka iibsadaan.

23-jirka reer France ayaa albaabada u furay inuu ka dhaqaaqo Ligue 1, waxaana dhowr jeer uu iska diiday inuu saxiixo heshiis cusub oo baaqi ugu sii ahaynayo caasimadda Faransiiska ee Paris.

Qandaraaska uu laacibkan kula Jiro kooxdiisa waxa uu dhici doonaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu si bilaash ah xagaaga ugu biirri karaa kooxdii uu doonno.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.