AC Milan Oo Manchester United Kadoonaysa Daafacan.

AC Milan Oo Manchester United Kadoonaysa Daafacan.

Talaaddo, November, 6, 2018(HNN) Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa maalmihii u danbeeyay suuqa ka baadi goobaysay daafac ay ku xoojiso safkeeda waqtigan.

AC Milan ayaana lala xiriirinayay daafacyo dhawr ah uu kamid daafaca reer England ee kooxda Chelsea Garry Cahill, kaas oo aan boos joogto ah ka haysan kooxda uu maamulo Maurizio Sarri.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda ESPN ayaa shaaca ka qaadday in AC Milan ay isku diyaarinayso sidii ay Man Unite kaga soo qaadan lahayd daafaceeda reer Ivory Coast ee Eric Bailly.

Daafacan reer Afrika ayaa aad ugu foos wareersan fursad la’aanta ka haysata kooxda tababare Jose, isaga oo kulamadii u danbeeyay kusoo bilaabanayay kursiga kaydka.

Manchester United oo daafacan Villareal kaga soo qaadatay 30-malyan oo gani ayaan la ogayn sida ay uga falcelin doonto xiisaha kooxda ka ciyaarta Serie A.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.