Laacibkan Horay Usoo Maray Barcelona Oo Ka Dhawaajiyay Sida Uu Neymer Jr U Doonayo Ku Laabashada Barcelona.

Laacibkan Horay Usoo Maray Barcelona Oo Ka Dhawaajiyay Sida Uu Neymer Jr U Doonayo Ku Laabashada Barcelona.

Talaaddo, November, 6, 2018(HNN) Laacibkii hore ee ay Barcelona kawada tirsanaayeen Neymer Jr ee Martin Montoya ayaa ka dhawaajiyay in Neymer Jr uu doonayo in uu dib ugu laabto Barcelona.

Montoya oo kamid ah xidigaha kasoo afkaxay akadeemiyadda caanka ah ee La Masia ayay Neymer ayay waqti Neymer saaxiib ku ahaayeen Camp Nou, inkasta oo uu waqtigan ku suganyahay kooxda Premier League ciyaarta ee Brighton.

Montoya oo dhawaantan lahadlay shabakadda Fichaches ayaa caddeeyay in Neymer uu aad u danaynayo ku laabshada Nou Camp.

“Inkasta oo ay aad u adagtahay, waxaan u malaynayaa in Neymer uu doonayo ku laabshada Barcelona” ayuu yiri Montoya.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay warbaahintu aad u hadal haysay in ay suurta gal tahay in Neyner Jr uu dib ugu laabto kooxdiisi hore ee Barcelona.

Weeraryahankan heerka caalami ee reer Brazil ayaa kopxda Paris Saint Germain ugu soo biiray adduun dhan 222-malyan oo gani markaas oo uu noqday xidiga ugu qaalisan dunida.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.