Maxaa Kajira In Real Madrid Ay 110-malyan Ku Qarasha Garayn Doonto Mauro Icardi.?

Maxaa Kajira In Real Madrid Ay 110-malyan Ku Qarasha Garayn Doonto Mauro Icardi.?

Talaaddo, November, 6, 2018(HNN) Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Real Madrid ay bisha janaayo sii wadi doonto xiisaha ay u qabto weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi.

Mauro Icardi ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed qurux badan kusoo bandhigaya kooxdiisa Inter Milan, hallka Real Madrid ay waysantahay gool dhaliye si joogto ah shabaqa u gaari kara.

Karim Benzema oo ah weeraryahanka ay kooxdu ku duulayso ayaan kujiron waayihiisii ugu wacnaa isaga oo ku dhibtoonaya in saaxiib lanoqdo shabaqa, Los Blancos ayaana doonaysa in ay hesho weeraryahan sida Icardi oo kale ah kaas oo gool laga filan karo kulan walba.

Wargayska Don Balon ayaana daabacay maanta oo talaado ah in Real Madrid ay qorshaynayso in ay heshiiska Icardi kusoo afmeerto adduun lacageed dhan 110 million euro.

Wargayska ayaana intaas kudaraya in Kooxda Bernabeu ay kalsooni buixda ku qabto in ay sida ugu dhaqsaha badan uu Mauro Icardi ku noqon karo ciyaaryahan katirsan Madrid, maadaama ay Inter Milan ku indha sarcaadin doonto lacago waali ah.

Real Madrid ayaana suuqa ka baadi goobaysay gool dhaliye tayo wanaagsan tan iyo markii ay kooxdu lumisaya xidiga ugu goolasha badan taariikhda Los Moringuez, kaas oo xagaagan ku biiray Juventus.

Maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com 

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.