DAAWO SAWIRRADA: AMIOM oo rasaas u adeegsatay shacab banaanbaxaayay oo wadada ka xirtay.

DAAWO SAWIRRADA: AMIOM oo rasaas u adeegsatay shacab banaanbaxaayay oo wadada ka xirtay.

Arboco, November, 7, 2018(HNN) Banaanbax ay dhigayeen dad ka careysan dil shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee hawlgalka Amisom u geysteen dad shacab ah ayaa maanta waxa uu ka dhacay Magalada Muqdisho.

Ciidamada Amisom ayaa shalay 4 ruux oo darawaliin ahaa wax ay ku dileen Ex-koontarool Balcad ee Magalada Muqdisho kadib markii qarax Miino lagula eegtay halkaas.

Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, isla markana ay ka xun yihiin dilkaas.

Gaadiid ay wataan Ciidamada Amisom oo Wadada tarabuunka ku socdaalayay ay ishor-istaageen banaanbaxayasha wallow Ciidamada Amisom ay rasaas ku furteen wadadaas sidaasina ay ku mareen.

Rasaasta ciidamada Amisom wadada ay ku furteen wax khasaare ah uma aysan gaysan dadkii shacabka ahaa ee Banaanbaxaasi dhigaayay.

Ehelada dadkii shalay Amisom ay dileen ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaasi aan la aasi doonin ilaa Amisom jawaab ka bixiso.

maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com 

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.