Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiin kale oo gaaray magaalada Baydhabo

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Masuuliyiin kale oo gaaray magaalada Baydhabo

Arboco, November, 7, 2018(HNN) Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo katirsan labada golle ee dowlada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka  iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Baydhabo u tagay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo iyo dib u dhaca laga cabsi qabo in ay ku timaado Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socda ayaa la filayaa in kulamo la qaataan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Hogaanka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo waxgaradka Koonfur Galbeed.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.