Xog laga helay Ciidamo Itoobiyaan oo Gawaari dagaalka wata oo Gudaha u galay Somaliland

Xog laga helay Ciidamo Itoobiyaan oo Gawaari dagaalka wata oo Gudaha u galay Somaliland

Arboco,novembar,7,2018,[HNN] Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaareen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dowlad deegaanka kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi.Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumayga.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.