DAAWO SAWIRADA: kulan dhaxmaray madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka ( Maxaa looga hadlay)

DAAWO SAWIRADA: kulan dhaxmaray madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiyaha golaha shacabka ( Maxaa looga hadlay)

Khamiis, November, 8, 2018(HNN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa xalay xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Labada masuul ayaa iska xog wareystay  xaaladaha guud ee dalka iyo dardar gelinta wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha kala duwan ee dowladda.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Villa Soomaaliya.

Hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa waxaa xiligan ka dhexeeya wada shaqeyn wanaagsan iyagoo iska kaashada howlaha kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa wada dadaal lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si guul looga gaaro howlaha horyaala dowladda.

Maxamed Cabdi Saney.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.