Xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Hirshabeelle oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka Hirshabeelle oo lagu dilay Muqdisho

Khamiis, November, 8, 2018(HNN) Cabdiweli Maxamed Ibraahin oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhintey qarax ka dhacay goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loogu xirey baabuur nooca raaxada ah ee uu watay xildhibaanka.

Allaha u naxariistee Xildhibaan  Cabdiweli Maxamed Ibraahin  ayaa noqonaya xildhibaankii 4aad ee ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo ku dhintey qarax ama weerar ay fuliyeen Al-Shabaab.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa intooda badan waxa ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho kadib markii dhowaan ay galeen fasax labo bilood ah.

Ciise Cabdi Ciise.

Hiilnews.com

Info@Hiilnews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.