Qarax lala eegtay Ciidamo AMISOM ka tirsan

Qarax lala eegtay Ciidamo AMISOM ka tirsan

Jimco, November, 9, 2018(HNN) Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya  Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in  kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM  maanta Qarax lagula eegtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ciidanka AMISOM, sida ay ku warameen goobjoogayaal.

Ciidanka qaraxa lala eegtay oo ka yimid degaanka Buurane ayaa waxa ay qaraxa kadib rideen rasaas fara badan oo loo maleynayo inay ku waxyeeloobeen dad shacab ah.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxan, marka laga reebo gaariga ka gubtay.

Ciidamada AMISOM ayaa gaariga ka gubtay u jiitay dhanka Magaalada jowhar oo ay ku leeyihiin fariisin ciidan, waxayna halkaasi ka bilaabeen hawlgal amni xaqiijin ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay ku daba jiraan raggii weerarkan ka dambeeyay oo ay tilmaameen inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

maxamed yuusuf cabdulaahi

Hiilnews.com

myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.