Gabdhaha Arsenal oo la qaban weesay 8-kulan iyo guul EPL!

Gabdhaha Arsenal oo la qaban weesay 8-kulan iyo guul EPL!

Sabti, November, 24, 2018(HNN) Hablaha Arsenal oo ku jiraan jawi qurux badan xili cayaareedkan English Premier League qaybta haweenka waxayna guuleesteen 8-kulan ay cayaareen ayagoo leh 24-dhibcood.

Gunners kulankoodii ugu dambeeyay 4-0 waxay cagta ku mariyeen naadiga Everton waxaana labo gool kulan dhalisay kabtanka kooxda Arsenal Jordan Nobbs.

Arsenal kulankoodii ugu dambeeyay EPL ayagoo safar ah aya guushoodii 8-aad gaareen taasi oo ka dhigan 100% inay guuleesteen kulamada xili cayaareedkan waxayna 6-dhibcood hogaanka kaga hayaan kooxda Man City.

Natiijooyinkii kulamada todobaadka 8-aad EPL ee haweenka cayaareen:

Bristol 2-1 Liverpool

Everton 0-4 Arsenal

Birmingham 3-0 West Ham

Brighton 1-4 Reading

Chelsea 5-0 Yeovil Town

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.