La Liga: Wax walba oo aad uga baahantahay kullanka Atletico Madrid iyo Barcelona dhex mari doona.

La Liga: Wax walba oo aad uga baahantahay kullanka Atletico Madrid iyo Barcelona dhex mari doona.

Sabti, November, 24, 2018(HNN) Dagaalka fooqa sare ee horyaalka La Liga ayaa ah mid aad u xiiso badan, maadaama hooggaanka ay Barcelona ku heyso farqi hal dhibic ah, oo ay ka sarreyso Sevilla, Atletico Madrid iyo Deportivo Alaves.

Waxaa Atletico Madrid ay dooneysaa inay garaacdo Barcelona si ay hooggaanka La Liga kagala wareegto.

Xaaladda dhaawac iyo ganaax ee labada koox

Barcelona waxaa ka maqan Denis Suarez, Philippe Coutinho, Ivan Rakitic (gaanx), Thomas Vermaelen iyo Sergi Samper

Dhanka Atletico Madrid waxaa iyagana ka maqan Diego Godín, Juanfran iyo José Giménez (shaki).

Safafka macquulka ah ee ay labada tababare kusoo billaabi karaan

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Vidal, Busquets, Arthur; Messi, Suárez, Malcom

Atlético: Oblak; Arias, Savic, Hernández, Filipe Luis; Koke, Rodri, Saúl, Lemar; Griezmann, Diego Costa

Xaqiiqooyinka kullankan

Labadan kooxood ayaa horay La Liga ugu kulmay 162 jeer, iyadoo Barcelona ay tahay kooxda guulaha badan.

Barca waxa ay Atletico garaacday 73 jeer, halka ay bareejo galeen 39 jeer, taasoo ka dhigan in Los Rojiblancos ay adkaatay 50 jeer.

Macallin Diego Simeone marnaba Barcelona ma uusan garaacin kullamada La Liga isagoo la ciyaarray 13 kullan (9 guuldarro, afar bareejo).

Atletico ma aysan garaacin kooxda Barcelona lixdii kullan ee ugu dambeysay dhammaan tartamada.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.