Kullamada laga ciyaaray Serie A iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay.

Kullamada laga ciyaaray Serie A iyo xaqiiqooyinkii laga diiwaan geliyay.

Axad, November, 25, 2018(HNN)  Udinese 1-0 Roma

Roma waxa ay kubbadda heysatay qaybtii hore ee ciyaarta 77%, halka celceliskooda kubbad heysashada kullamada Serie ee xilli ciyaareedkan uu ahaa 55%.

Juventus 2-0 SPAL

Mario Mandzukic ayaa markii ugu horreysay Captain kula soo billawday kullan ka tirsan Serie A.

Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Juventus xilli ciyaareedkiisa koowaad sagaal gool oo Serie A dhaliyo ka dib MD13 waxa uu ahaa Pietro Anastasi 1968/69, Cristiano Ronaldo ayaana hadda gaarray rikoorkaas.

Giorgio Chiellini ayaa saftay kullankiisii 483-aad ee Juventus dhammaanm tartamada, waxaana uu shanaad kasoo galay xiddigaha ugu safashada badan Juve dhammaan tartamada.

Inter Milan 3-0 Frosinone

Keliya Borussia Dortmund (15) iyo AS Roma (13) ayaa kaga badan Inter Milan xiddigo kala duwan inay gool ugu dhaliyaan horyaalka dhammaan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda Europe, waxaana Serie A gool ugu dhaliyay 12 ciyaarayahan oo kala duwan.

Captain Mauro Icardi ayaa saftay kullankiisii 200-aad ee Serie A isagoo dhaliyay 117 gool, waxaana kullankiisii 100-aad uu ahaa isna mid uu ka hor yimid isla kullankan kooxda uu wajahay ee Frosinone (22/11/2015).

Maxamed yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.