Al shabaab oo askar ku soo bandhigay Sh/ Hoose

Al shabaab oo askar ku soo bandhigay Sh/ Hoose

Axad, December, 02, 2018(HNN) Xarakada Al Shabaab ayaa maanta qeybo ka mid gobolka Shabeelaha Hoose ku soo bandhigay Askar ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Askartani oo gaarayay illaa 2 ayaa Al Shabaab waxaa ay sheegeen in ay isku soo dhibeen, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka..

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Askartani ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen Dagaalyahannada Al Shabaaab in Askartaasi ay la soo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan Askartaasi.

Mana’ahan markii ugu horreysay oo ay Al Shabaab Askar ka tirsanaa DFS ay ku soo bandhigaan deegaanada ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.