Mareykanka oo Sheegay in uu Fuliyay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Shabaab Ka Tirsan

Mareykanka oo Sheegay in uu Fuliyay Duqeyn Lagu Dilay Xubno Shabaab Ka Tirsan

Axad, December, 02, 2018(HNN) Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay ka fuliyeen Deegaano Ka Tirsan Gobolka Baay oo ay saldhig ku leeyihiin dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Lebede, hase ahaatee dadka deegaanka ay sheegayaan inuu yahay deegaanka Buur Gaalway oo u dhaxeeya Diinsoor iyo Buurhakaba.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay 9-dagaalyahano oo ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana uusan jirin khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya oo arintaan ka hadashay ayaa sheegtay in duqeynta ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.