Axad, December, 02, 2018(HNN) Qarax nuuciisu uu yahay kuwa lagu xiro gawaarida ayaa ku qarxay agagaarka isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday shaqsigii watay gaariga qarxay, lamana oga ilaa iyo haatan cida uu yahay ruuxa geeriyooday.
Ciidamada ammaanka oo goobta uu qaraxa ka dhacay meel aan sidaas ugu sii fogeyn fariisimo ku leh ayaa goobta soo gaaray.
Dhawaanahaan waxaa soo badanaayay qaraxyada lagu xiro gawaarida ee lala bartilmaameedsado shaqaalaha kala duwan ee dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegto Shabaab.