Akhriso:-Labo Gabdhood oo Soomaali ahaa oo ku Dhintay Shil Ka Dhacay Mareykanka

Akhriso:-Labo Gabdhood oo Soomaali ahaa oo ku Dhintay Shil Ka Dhacay Mareykanka

Isniin, December, 03, 2018(HNN) Saddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen muwaadiniin Soomaali ahaa ayaa ku geeriyootay shil ka dhacay magaalada Columbus ee waddanka Mareykanka.

Shilkan sababay dhimashada dadka ay somaalida kamid  yihiin ayaa waxa uu dhacay subaxnimadii hore ee Axadda.

Baaxadda shilka ayaa aheyd mid ballaaran maadaama ay isku dhaceen tiro gawaari ah.

Police-ka Columbus ayaa faahfaahino ka bixiyey shilkaas waxa ayna xaqiijiyeen magacyada dadka ku dhintay.

Labo kamid ah dadka dhintay ayaa ah gabdho somali ah oo lagu kala magacaabo Amal Mohamed iyo Anisa Abdi Karim, halka qofka kale ee shilkaas ku naf waayey uu ahaa Gabriel Reid Akomeah sida ay xaqiijiyeen police-ka.

Labadan gabdhood ayaa ahaa kuwo wax ka barta gudaha waddanka Mareykanka iyadoo mid kamid ay wali dhiganeysay dugsiga sare.

Darawalka kaxeynayey gaariga ay saarnaayen ayaa iska tuuray gaariga markii uu shilka dhacayay mana aysan soo gaarin wax dhaawac ah.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.