Wax walbo oo aad ugu baahan tahay in aad ka ogaato xaflada abaalmarinta Ballon d’or iyo waqtiga ay xafladda dhici doonto.

Wax walbo oo aad ugu baahan tahay in aad ka ogaato xaflada abaalmarinta Ballon d’or iyo waqtiga ay xafladda dhici doonto.

Isniin, December, 03, 2018(HNN) Xafladda abaalmarinta Ballon d’or ayaa caawa lagu madal san yahay in dhacdo tasoo lagu abaalmarin doono xidiga ku guuleestay bilada ay bixiso France Football.

Toban sano kadib caawa waxaa la filayaa in abaalnarinta Ballon d’or uu ku guuleesto shaqsi ka duban Messi iyo Ronaldo kubaas wayadaanba hananaaye.

Luco Mudric ayaa haatan ah ciyaariyahanka ugu cadcad ee ku guuleesan kara abaalmarintaan maadaama uu isaga xidiga ku soo guuleestay abaalmarinta FIFA Best.

Saacada ay xaflada dhici doonto iyo Goobta ay Ka dhici doonyo.

Xafladda ayaa si rasmi ah loogu qorsheeye in ay bilaawato Caawa 7:45pm ( GMT) balse soo dhaweynta ka soo qeyb galayaasha ee rooga cas  (red carpet) ay bilaawan doonto 6:45pm (GMT).

xaflada ayaa ka dhici doonta caasimada dalka France ee Paris Hoolka Lagu magacaabo Grand Palais.

Abaal marinada la bixin doono.

Waxaa la bixin doonaa dhowr abaalmarin oo kala duban waxaana ay kala yihiin Abaalmarinta Ballon d’or ee Ragga Iyo abaalmarinta Ballon d’or Haweenka.

Ka aqriso sawirka hoose magacyada musharaxiinta dhanka ragga iyo dhanka haweenka ee ballon d’or.

Sidoo kale waxaa la bixin doonaa da’ yarka ugu fiican oo la siin doono bilada loo yaqaano Kopa Trophy.

Musharaxiinta abaalmarinta da’ yarka waxa ay kala yihiin

Houssem Aouar (Lyon); Trent Alexander-Arnold (Liverpool); Patrick Cutrone (Milan); Ritsu Doan (Groningue); Gianluigi Donnarumma (Milan); Amadou Haidara (Red Bull Salzburg); Justin Kluivert (Roma); Kylian Mbappe (PSG); Christian Pulisic (Borussia Dortmund); Rodrygo (Santos).

Ciyaartooyda ugu cadcad abaalmarinta ballon d’or waxa ay kala yihiin

Luka Modric

Antoine Griezmann

Cristiano Ronaldo

Raphael Varane

Kylian Mbappe

Lionel Messi

Caawa ayaa lakala ogaan doona cida hanan doonta abaalmarinta wax walbo oo ku soo kordha kala soco Hiilnews.com

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.