Ciidamo Soomaali iyo Mareykan oo xalay weeraray deegaanka Awdheegle

Ciidamo Soomaali iyo Mareykan oo xalay weeraray deegaanka Awdheegle

Arboco, December, 5, 2018(HNN)-Ciidamada gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida wararka sheegayaan Ciidamada is garabsanaya ayaa diyaarado kuwa qumaatiga u kaca kaga degtay banaanka deegaanka Awdheegle, waxaa la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalamayaasha Shabaab.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga ay xalay howlgal ka fuliyeen xarun Al-Shabaab ku laheyd Awdhegle, isla markaana lagu soo qabtay walxaha qarxa.

Lama sheegin faah faahin intaas ka badan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.