Mareykanka oo ka hadlay howlgalkii Awdheegle ee ay ku wehliyeen Kumaandooska Soomaaliya

Mareykanka oo ka hadlay howlgalkii Awdheegle ee ay ku wehliyeen Kumaandooska Soomaaliya

Qamiis, December, 6, 2018(HNN)-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray howlgalkii ugu dambeeyay ee habeen hore ka dhacay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay si wadajir u fuliyeen Ciidamo Mareykan ah iyo Kumaandooska Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka iyo weerar dhulka oo isla socday ay ku dileen illaa 4 dagaalame, kaddib markii ay weerareen labo xarumood oo Al-Shabaab lahayeen.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay in waxyaabo qarxa iyo gawaari Al-Shabaab ku diyaariyeen, iyadoo la sheegay in aanay dad shacab ah waxba ka soo gaarin weerarkaas.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyadoo sanadkan kaliya illaa 38 weerar oo cirka ah ka fuliyay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.