Waa maxay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa guuldarooyinka kooxda Chelsea?

Waa maxay sababta rasmiga ah ee ka dambeysa guuldarooyinka kooxda Chelsea?

Khamiis, December, 6, 2018(HNN) kooxda Chelsea ayaa xilli ciyaareedki hore seegtay tartanka Champions league iyaga ka hoos maray afarta boos ee loogu soo baxo tartanka ugu weyn qaarada Yurub ee Uefa Champions League.

Kadib marki is badal macalin lagu sameeye Blues ayaa la rajeynaaye inay dib u hesho hanaankeedii wacnaa ee guulaha balse ilaa haatan xaalado dhibaato ayay maraeysaa kooxdaan.

Dhibaatada ugu weyn ee Chelsea heesato waa Weerarka iyadoo aan ilaa haatan kooxdaan helin dhameestire fiican tan iyo marki uu kooxdooda ka tagay Deigo Costa kasoo ahaa dhamestire Sifiican loogu jeclaa Stanford Bridge.

imaanshiyaha Sarri ee Chelsea waxa ay ka dhigtay kulamadii bilawga koox si wanaagsan ku furatay balse dhibaatooyin is daba jooga ayaa kooxda blues ku habsaday iyadoo ay ugu dambeesay guuldaradii ay ka qaateen kooxda Wolves habeenkii xalay.

Inta badi  guuldarooyinka Chelsea waxaa loo sababeenayaa Macalinka reer Talyaani kasoo wax badan lumiyay kalsoonida Kante kasoo uu u adeegsado boos aan horay looga baranin halka uu Jorginho u adeegsado booska wiilka reer France tasoo noqotay dhibaato wax badan lagu dareemo kubad joojinta qadka dhexe.

Todobaadka soo aadan waxa ay la ciyaari doonaan kooxda Man City oo guuldaro la’aan ah iyadoo libinta kulankaas loo badinaayo inay qaadato kooxda reer carbeed ee City.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.