Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeer ku tagay madbacadda buugaagta magaalada Qaahira ee dalka masar

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeer ku tagay madbacadda buugaagta magaalada Qaahira ee dalka masar

Qamiis, December, 6, 2018(HNN)-Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS mudane Cabdullahi Goodax Bare ayaa manata kormeer ku tagay madbacadda buugaagta magaalada Qaahira ee dalka masar waxa uu kula kulmay madaxa madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim.Waxa ayna ka wada hadaleen horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeeyso soo saarista buugaagta manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga,
“waxaan kormeer ku tagay madbacadda Buugaagta magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaan halkaasi kula kulmay madaxa madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim.
Waxaan ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeyso soo saarista buugaagta manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga.
Ka wasaarad ahaan markasta waxaan u heelanahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada dalka islamarkana loo kordhin lahaa xirfadda dhalinyaradda Soomaaliyeed sidaasi waxaa yiri Wasiirka waxbarashada xukuummda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare.

Wasiirka waxbarashada XFS Cabdullaahi Goodax Bare ayaa wado horumaro kor loogu qaadayo waxbarashada dalka waxana jira hishiisyo uu lasoo galay dalalka saaxiibka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.