Guddoomiye Mursal oo Safiirka UK kala hadlay arrimaha Doorashada K/Galbeed

Guddoomiye Mursal oo Safiirka UK kala hadlay arrimaha Doorashada K/Galbeed

Sabti, December, 8, 2018(HNN)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka dowladda UK u fadhiya Soomaaliya  Amb. David Concar.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka, xoojinta xiriirka labada dowladdood ee Soomaaliya iyo UK.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleen doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo dhowaan lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Mursal ayaa safiirka warbixin ka siiyay shaqooyinka horyaalla Golaha

Shacabka iyo sharciyadii ugu dambeeyay uu Golaha Shacabka ansixiyay.

Waxaa uu kaga mahadceliyay kaalinta wanaagsan ee dowladda UK ay ka qaadaneyso horumarinta iyo nabadeynta Soomaaliya.

“Mudane safiir aad baa ugu faraxsanahay inan mar kale halkaan ku kulano, waxaan rabaa inan halkaan ka cadeeyo in dowladda UK aan abaal weyn u heyno, Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.