Wadanka Maraykanka oo ah wadanka ugu badan ee dadka lagu xiro

Wadanka Maraykanka oo ah wadanka ugu badan ee dadka lagu xiro

Sabti, December, 8, 2018(HNN)-Daraasaad laga sameeyay dadka la xiro ayaa lagu ogaaday in dalka Maraykanka uu yahay wadanka ugu badan ee dadka la xiro.

Inku dhow kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool wadanka Maraykanka ayaa qof ka mid ah ehelkooda la xirey amaba uu hadda xabsiga ku jiro.
Sidoo kale daraasaadka ayaa lagu ogaaday in qof ka mid ah toddobadii qof ee lagu xiro Maraykanka uu mid kamid ah ehelkiisa ku jirey xabsiga wax ka badan hal sano.

Daraasadda ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay jaamacadda Cornell iyo bogga FWD.us oo ka shaqeeya caddaaladda, waxaana lagu waraystay dad kor u dhaafaya 4 kun qof.

Waxyaabaha kale ee daraasadda lagu ogaaday ayaa ah in halkii qof oo ka mid ah shan qof kasta uu waalidkiid galay xabsi.

Tirada guud ee dadka qof qoyskooda ka mid ah uu xabsiga galay ayaa dhan 113 milyan oo qof, iyada oo dadka hadda ehelkooda ay xabsiyada ku jiraan waxa ay dhanyihiin 6.5 milyan oo qof.

Dadka xabsiyada ku jira waxaa ugu badan dadka madoowga ah oo iyagu dhan boqolkiiba 50%.

Dadka Laatiinka ah ayaa iyagu tirakoobka lagu sheegay in boqolkiiba 70% ay u badantahay in qof ehelkooda ah uu xabsiga galo.

Ciise Cabdi Ciise

Hiilnews.com

Ciisecc12@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.