Chelsea Oo Diyaar u ah Inay Saxiixooda Labaad Sameyso Kadib Pulisic Hadaba Waa kuma Xidigaas.

Chelsea Oo Diyaar u ah Inay Saxiixooda Labaad Sameyso Kadib Pulisic Hadaba Waa kuma Xidigaas.

Khamiis, 03, Janaayo, 2019, (HNN) Chelsea ayaa markaan diyaarineysa qorsho kale oo ku aadan inay xidig labaad soo xero geliyaan inta lagu jiro bilaawga suuqa kala iibsiga Kadib Soo Qaadashadii Pulisic oo Ay shalay la saxiixdeen.

Markan waxay u dhaqaaqi doonaan saxiixa Laacibka Madrid qadka dhexe u maareeya ee Isco Kasoo Gadood ka ah kooxda Uu Hogaamiyo Solari.

Blues ayaa ah ilaa hatan kooxda Ugu Dardarta badan suuqa kala iibsiga ee kooxahah waaweyn ee Horyaalda Yurub Ka Dhisan.

Sida la Aaminsan yahay Isco waxa uu noqon doonaa Xidig ka Taga kooxda Madrid kadib markii uu la dhici waaye falsafada Solari kasoo keedka dhigay tan iyo markii uu maharaha U qabtay kooxda Madrid.

Chelsea ayaa diyaar ah aduun lacageed haaraayo £45 Million oo lacagta Boundka waxayna doonayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjaraan saxiixa Laacibkaan dhex.

Kooxo badan ayay loolan kala kulmi doonta kooxda Blues oo ay qeyb ka Yihiin City Iyo Liverpool Kubaas labadoodaba doonaya Saxiixa Isco.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.