Hordhac: Manchester City Vs Liverpool.

Hordhac: Manchester City Vs Liverpool.

Khamiis, 03, Janaayo, 2019, (HNN) Difaacadayaasha Horyaalka England Ayaa ayaa waxay caawa la Ciyaari doonaan Kulan Dhimasho Ah Hogaamiyayaasha Horyaalka Eplka.

Liverpool Ayaa Ilaa Haatan Ah Guuldaro La’aan Kulamada Horyaalka Eplka Iyagoo Doonaayo inayo in ay sii adkeestaa Rikoorkooda ayay caawa la kulmi doonan City tasoo ay iyana ka Go’an tahay ina Burburiyaan Rikoorka Liverpool.

Inta Badi Dadka Ciyaaraha Falaqeeya ayaa waxay aaminsan Yihiin Kulanka Caawa in uu yahay kii sida rasmiga ah u go’aamin lahaa Loolanka Horyaalka Iyo cida Ku kali ahaan doonto.

Wararka Labada Koox Iyo Xidigaha ka Maqan:

City ayaa waayi doonta caawa De Bruyne kasoo dhawacii sesexaad galay xilli ciyaareedkaan sido kale waxaa weli ganaax ku maqan Fabian Delph halka Ilkay Gundogan uu caawa dib u soo laaban doono balse Benjamin Mendy Iyo Claudio Bravo ayaa dhaawacyo mudo dheer weli la maqan.

Dhanka kale kooxda Liverpool ayaa iyada shaki laga Gelinayaa Milner kasoo kulamadii Boxen Day ku dhaawacmay sido kale Mane ayaa diyaar noqon soona kadib markii ay Xiriirka Fa-ga sheegeen in uusan wax ganaax ah ku muteesan doonin Qaladkii uu galay kulankii Arsenal ay la ciyaareen.

Safka Macquulka Ee Man City: Ederson; Walker, Stones, Laporte, Zinchenko; Bernardo, Fernandinho, Silva; Sterling, Aguero, Sane

Safka Macquulka Ee Liverpool:Alisson; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson; Mane, Firmino, Keita; Salah.

Saacada La Daawan Karo Kulanka:

11:00pm (Xilliga Geeska Africa)

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.