United oo guul kale gaartay, Chelsea oo la taakeeyay iyo natiijooyinkii kullamada EPL-ka.

United oo guul kale gaartay, Chelsea oo la taakeeyay iyo natiijooyinkii kullamada EPL-ka.

Khamiis, 03, Janaayo, 2019, (HNN) Kullankii ugu xiisaha badnaa ayaa dhex maray kooxaha Bournemouth iyo Watford, waxaana ciyaartaas ay ku idlaatay 3-3 oo qaybta hore ee ciyaarta la iska dhaliyay.

Burnley ayaa 2-1 kaga adkaatay Huddersfield Town.

Halka Crystal Palace ay 2-0 ku dharbaaxeen Wolverhampton Wanderes.

Manchester United ayaa iyaduna waxa ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Newcastle Unites.

Goolasha United ayaa ka kala yimid Romelu Lukaku oo daqiiqaddii 64-aad dhaliyay iyo Marcus Rashford oo daqiiqaddii 80-aad shabaqa soo taabtay.

Chelsea ayaa iyaduna bareejo 0-0 la gashay kooxda Southampton.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.