Daawo: Villarreal oo taako u dhigtay kooxda Real Madrid.

Daawo: Villarreal oo taako u dhigtay kooxda Real Madrid.

Jimco, 04, Janaayo, 2019,(HNN) Kooxaha Villarreal iyo Real Madrid ay dhibcaha ku kala qeyb saday garoonka Estadio de la Cerámica, kadib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala baxay 1-2 ay ku hogamineysay kooxda Real Madrid oo marti u ahayd Villarreal.

kulankan ayaa labad kooxood u ahaa baaqi wuxuuna ka tirsanaa kulamadii laga soo ciyaaray horyaalka La Liga, maadaama ay Los Blancos xiliga la ciyaari lahaa ku mashquulsaneed koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club World Cup.

Daqiiqadii 4-aad ee isla bilawga ciyaarta Santi Cazorla ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Villarreal, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, xili caawinta goolkan uu ka helay Samuel Chukwueze.

Laakiin kooxda Real Madrid ayaa waxay dadaal u gashay sida ay ku heli lahayd goolka barbaraha, waxaana isla daqiiqadii 7-aad ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 Karim Benzema kadib markii uu caawin ka helay saxiibkiis Lucas Vazquez.

Real Madrid ayaa markale la timid goolkeeda 2-aad ee ciyaarta, waxaana daqiiqadii 20-aad markale gool ka dhaliyay Villarreal difaaca reer France ee Raphael Varane oo si qurux badan goolkan kaga caawiyay Toni Kroos.

Qeybta labad marka dib leysugu soo laabtay ayay markale labda kooxood sameeyeen kubado weerar iyo weerar celis ah.

Kooxda Villarreal oo kulankan ku ciyaareesay garoonkeeda ayaa heshay goolka barbaraha, waxaana daqiiqadii 82-aad ciyaarta 2-2 ka dhigay Santi Cazorla.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ay ku kal baxeen labada kooxood Villarreal iyo Real Madrid.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.