DAAWO:-Chelsea oo guul gaartay, Morata oo Boorka iska jafay iyo Fabregas oo Taageerayaasha Macsalaameeyay.

DAAWO:-Chelsea oo guul gaartay, Morata oo Boorka iska jafay iyo Fabregas oo Taageerayaasha Macsalaameeyay.

Axad, 06, Janaayo, 2019,(HNN) Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega 4-aad ee FA Cup kaddib markii ay 2-0 uga adkatay kooxda Nottingham Forest.

Weeraryahanka uu cadaadiska saarnaa maalmahaan ee Alvaro Morata ayaa boorka iska jafay kaddib markii uu dhaliyay labada gool ay caawa ku adkaatay Blues.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0.

Balse marka la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha Morata ayaa dhammeystiray baas fiican uu ka helay Callum Hudson-Odoi daqiiqadii 49-aad waana goolkii ugu horreeyay uu dhaliyo tan iyo bishii November.

Dhaliyaha reer Spain ayaa goolka labaad dhaliyay toban daqiiqo kaddib.

Cesc Fabregas ayaa macsalaameeyay taageerayaasha Blues maadaama ay u badan tahay inuu yahay kulankii ugu dambeeyay uu xirto maaliyada kooxda Chelsea.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.