DAAWO: Manchester City oo Goolal Roobka uga dhigtay Rotherham United.

DAAWO: Manchester City oo Goolal Roobka uga dhigtay Rotherham United.

Isniin, 07, Janaayo, 2019, (HNN) Manchester City ayaa si sahal ah ugu soo gudubtay wareega 4-aad ee FA Cup kaddib markii ay goolal ugu qubeysay Rotherham United oo ay uga badisay 7-0.

Goolasha ayaa waxaa kala qeybsaday wiilasha Guardiola oo ma jiro mid xitaa labo dhaliyay.

Qeybta hore ayaa lagu kala nastay 3-0.

Raheem Sterling iyo Phil Foden ayaa dhaliyay halka goolka saddexaad uu ahaa mid ay iska dhaliyeen Rotherham.

Markii la isku soo laabtay qeybta labad ee ciyaarta ayay Man City la timid afarta gool ee kale waxaana u kala dhaliyay, Gabriel Jesus, Riyad Mahrez, Nicolas Otamendi, Leroy Sane.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.