Tirinta Codadka wareega labaad oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Tirinta Codadka wareega labaad oo soo dhamaatay (Akhriso sida codadka loo kala helay)

Talaaddo, 8, Janaayo,2019,,(HNN) Waxaa soo dhamaatay tirinta codadka wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana wareega labaad ee doorashada isugu soo haray Sadex Musharax .

Wareega labaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland waxaa wada hogaaminaya Musharax Asad Cismaan oo helay codad gaara 28-cod  halka Musharax Saciid Cabdulaahi Dani  uu isna helay 28- codad gaaraya .

Wareega sadexaad ee doorashada waxaa isaga haray Musharax Faarax Cali Shire oo helay codad gaaraya 6-cod , waxaana wareega sadexaad ee ugu dambeeya usoo gudbay labada Musharax ee kala ah Asad Cismaan Diyano iyo  Savcid Dani .

Doorashada ayaana lagu kala bixi doonaa wareega ugu dambeeya, iyadoona uu guuleesan doono musharaxii cod bata, waxaana wali adag in la saadaaliyo labadan musharax midka ku guuleesan doorashada.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.