DHAGEEYSO:-Maamulka Jubbaland oo ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Shabaab

DHAGEEYSO:-Maamulka Jubbaland oo ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Shabaab

Arbaco, 9, janaayo, 2019, (HNN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose  ayaa sheegay in qorshihiisa koobaad ee degmada Afmadow uu yahay sidii Jubbaland u bilaabi laheyd dagaal ka dhan ah Al-Shabaab,

Waxa uu sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga saaro degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubbada dhexe oo ah Caasimadda Maamulka Jubbaland,isla markaana ay Shabaab maamulaan.

Si kastaba Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada,waxaana dhowr mar u ku cel celiyay in Shabaab ka saari doonana deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.