Tottehman oo Garaacday Chelsea lugta hore ee Afar dhammaadka Caraboa Cup.

Tottehman oo Garaacday Chelsea lugta hore ee Afar dhammaadka Caraboa Cup.

Arbaco, 9, janaayo, 2019, (HNN) Tottenham ayaa guul ay rafaad kaaray waxay ugu dambeyn 1-0 kaga badisay Chelsea lugta hore ee afar dhammaadka Caraboa Cup.

Qeybta hore dheesha ayuu dhashay goolka qura ay ku badiyeen Spurs kasoo ahaa rigoore lagu xaqiijiyay aalada VAR markii uu gool ilaaliyaha Chelsea uu qalad ku galay Hary Kane.

Garsoore Michael Oliver ayaa gool kulaadkan ku abaalmariyay Tottenham tasoo caro ku dhalisay maamulaha Chelsea ee Maurizio Sarri markii cayaartu socotay daqiiqadii 26-aad.

Hary Kane ayaana suuragal ka dhigay guusha kooxdiisa markii uu shabaqa ku hubsaday rigoorada loo dhigay.

Chelsea ayaa dhankeeda laba kol birta garaacday iyadoo mid kamida aheyd diib uu birta ku dhiftay da’yarka Callum Hudson-Odoi dhammaadka qeybta hore, halka N’golo kante laga badbaadiyay shuud uu kasoo tuuray banaanka diilinta ganaaxa.

Sido kale daafac Blues Andreas Christensen ayaa lumiyay fursad dahabi aheyd markii uu meel cidlaa kubbada mariyay kaddib jaanis uu ka helay meel lix yard u jira goolka Spurs.

Guushan ayay faa’iido u tahay Tottenham oo haatan lug sii gaarsiisatay finaalka koobka ka hor inta Chelsea aysan ku kulmin Stamford Bridge lugta labaad ee afar dhammaadka tartankan.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.