HORDHAC: Chelsea v Newcastle

HORDHAC: Chelsea v Newcastle

Sabti, Janaayo, 12, 2019,(HNN) Chelsea ayaa marti galineysa Newcastle kulamada 22-aad ee Premier League todobaadkan.

Blues ayaa natiijooyin fiicneed kulamadii u dambeeyay waxayna ku rajo weyn yihiin iney xajistaan kaalinta afaraad ee horyaalka oo ay haatan ku jiraan.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 08:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Chris Kavanagh

Garoonka:  Stamford Bridge

Wararka Kooxaha

Alvaro Morata ayaa shaki ku jiraa kulankan Chelsea, kaddib markii uu seegay cayaartii afar dhammaadka League Cup ay Talaadadii la cayaareen Tottenham sababo la xariira dhibaato yar oo muruqa ah.

Ruben Loftus-Cheek ayaa ku maqan dhaawac dhabarka ah, halka Cesc Fabregas uu kooxda faarujiyay kaddib markii uu si ramsi ah kaga mid noqday naadiga Monaco.

Laacibka ahaamda kooxda Newcastle Kenedy ayaa xaq u laheyn inuu wajaho naadiga milkiyadiisa leh.

Jonjo Shelvey, Paul Dummett iyo Karl Darlow ayaa dhammaantood dhaawac ah laakiin Federico Fernandez iyo Ciaran Clark waa kuwa taam ah.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Chelsea ayaa badisay lixdii kulan ee u dambeysay oo ay marti galisay Newcastle dhammaan tartamada.

Waxay guuldarreysteen kulan kaliya 23-koodii dheel ee u dambeeyay garoonkooda oo ay Premier League la cayaareen Newcastle (16 guul, iyo 6 bar-baro) – waxayna guuldarrada aheyd kulan looga badiyay 2-0 bishii May 2012.

Blues ayaa ku adkaatay 2-1 kulankii hore ee kooxahan is arkeen horaantii kal cayaareedkan.

Chelsea ayaa guuleysatay afar kamida lixdii kulan ee u dmabeysay horyaalka (1-barbaro, iyo 1 guuldarro).

Yeelkeede, waxay heleen hal dhibic labadoodii kulan ee u dambeysay oo ay ku cayaareen garoonkooda horyaalka iyagoo ku guuldarreystay iney gool dhaliyaan kulamadaas.

Waqtigii u dambeysay oo ay seddax dheel cayaaraha sare ee horyaalka gool la’aan noqdaan waxay aheyd bishii November 1993.

Newcastle ayaa hal guul gaartay siddeedii kulan ee lasoo dhaafay Premier League waana kulan ay la cayaareen kooxda ugu hooseyda horyaalka ee Huddersfield.

Kooxda lagu naaneyso Magpies waa guul la’aan 12-kulan oo ay u martisay horyaalka kooxaha lixda sare, waxay si xariira u qasaareen sagaalkii dheel ee u dambeysay.

Shaxda Macquulkaa

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com 

Myuusuf02015@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.