Nin bisad sidii alaab oo kale ku diray boosto oo ganaax adag lagu riday

Nin bisad sidii alaab oo kale ku diray boosto oo ganaax adag lagu riday

Sabti, Janaayo, 12, 2019,(HNN) Maxkamad kutaala dalka Taiwan ayaa ganaax lacageed ku riday nin 33-sano jir ah oo lagu helay dambi ah in boosto sidii alaabihii oo kale ugu diray bisad uu lahaa uu iska wareejinayay.

Warbaahinta dalka Taiwan ayaa ku warantay in Mr Yang lagu ganaaxay lacag ku dhaw 2-kun oo dollar kadib markii lagu helay in uu ku xadgudbay sharci ilaaliya xaquuqda Xayawaanka ee dalka Taiwan.

Ninkan ayaa la sheegay in bisada uu ku xiray kartoon kadibna ku hagaajiyay ciwaan boosto oo leedahay goob xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Banciao oo katirsan dalka Taiwan.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com 

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.