DAAWO: Chelsea oo guul Dirqi ah ka gaartay Newcastle.

DAAWO: Chelsea oo guul Dirqi ah ka gaartay Newcastle.

Axad, Janaayo-13-2019(HNN) Chelsea ayaa guul ay ku dhibtootay waxay ugu dambeyn 2-1 uga badisay dhigeeda Newcastle.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-1, waxaana hogaanka cayaarta qabatay Chelsea markii uu goolka daah furka u dhaliyay Pedro 10-kii daqiiqo ee dheesha ugu horreysay kaddib caawin uu ka helay david Luiz.

Cayaarta oo socota daqiiqadii 35-aad Newcastle ayaa ku dhawaatay iney goolka bareejada helaan markii uu kubbad dhinaca goolka mariyay Ayoze Parez.

Balse inaad la aadin nasiinada kulanka kooxda martida ayaa la timid goolka bar-barha waxaana madax ugu dhaliyay laacibka Ciaran Clark kubbad laga soo laaday geeska laadka.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Blues ayaa cadaadis saartay naadiga Magpies lagu naaneyso.

Daqiiqadii 57-aad Willian ayaa Chelsea u dhaliyay goolka guusha kasoo ahaa kubbad laada uu ka tuuray gudaha diilinta ganaaxa markii uu baas fiican ka helay Edan Hazard.

Waa guushii u horreysay oo ay Chelsea ku gaartay garoonkooda kaddib laba cayaar oo ay guul ku la’aayeen Stamford Bridge.

Haatan kooxda Sarri ayaa xajisatay kaalinta afaraad waxayna lee yihiin 47-dhibcood iyagoo hal dhibic ka dambeeya Spurs oo beri kulan adag la balansan Man United.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.