DAAWO: Liverpool oo Guul Nafle caari ah ka gaartay Brighton iyagoona dheereystay hogaanka.

DAAWO: Liverpool oo Guul Nafle caari ah ka gaartay Brighton iyagoona dheereystay hogaanka.

Axad, Janaayo-13-2019(HNN) Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay wadada guusha kaddib markii ay 1-0 uga badiyeen Brighton.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 0-0. Walow laba kooxba ay sameeyeen isku day goolka ah.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Liverpool ayaa gurba qabatay hogaanka dheeshan waxaana rigoore loo dhigay gool u badalay Maxamed Saalax markii dheeshu aheyd 50-daqiiqo.

Inkastoo kooxda guriga ee Brighton sameeyeen dhawr halis oo goolka Liverpool ah balse uma suuragalin iney helaan barbaraha cayaarta.

Guushaan ayaa Liverpool kaga dhigan iney hadda 7-dhibcood ka sareeyaan kooxda kusoo xigta ee Manchester City taa oo cayaari doonta habeenka Isniinta.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.