Mareykanka oo Doonaya in uu Turkiga la gaaro Heshiis lagu Badbaadinayo Kurdiyiinta Siiriya

Mareykanka oo Doonaya in uu Turkiga la gaaro Heshiis lagu Badbaadinayo Kurdiyiinta Siiriya

Axad, Janaayo-13-2019(HNN) Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka ee ka dhashay isbaheysigii ka dhexeeyay Kurdishka iyo Mareykanka ayaa hareeyay socdaalka Pompeo ee Bariga Dhexe.

Balse waxa uu Pompeo u sheegay warfidiyeenada inuu arrintaan kala hadlay dhigiisa Turkiga uuna rumeysan yahay suuragalnimada heshiis laga gaaro.

Heshiiskaayaa ayaa waxaa kamid noqon doono mid u ogolaanaya Turkiga inuu dalkiisa ka difaaco halista arrgagixisada iyo sidoo kale difaaca Kuridiyiinta la dagaalamayay kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS maadaama ay ka garab dagaalamayeen milatariga Mareykanka iyo qaar kale oo uu ku sheegay inaysan arrgagixiso ahayn.

Turkiga ayaa rumeysan inuusan si waadax ah uga laabaneynin qorshayaashiisa uu ku doonayo inuu ku qaado howlgalo milatari oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

Mr Pompeo ayaa dhab ahaantii doonaya in diirada la saaro dowladda Iran si looga soo horjeesto.

Waxa uu ku baaqayaa jabhad Carbeed oo mideysan oo ka hortimaada wax uu ku tilmaamay inay tahay xasilooni darro ay Iran ay ka wado gudaha dalalka Carabta, isaga oo xusay in Sacuudi Carbiyana ay howlgankan u dub dhexaad u tahay.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.