DAAWO: Barcelona oo guul raaxo leh ka gaartay kooxda Eibar,

DAAWO: Barcelona oo guul raaxo leh ka gaartay kooxda Eibar,

Isniin, Janaayo, 14, 2019, (HNN) Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulankeeda 19-aad ee horyaalka La Liga, kadib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Eibar

Goolka qura ee qeybta horey dhashay waxaa kooxd Barcelona u dhaliyay weeraryahankooda Luis Suarez.

Daqiiqadii 19-aad ee qeybta horey ciyaarta ayuu gaaray Luis Suarez shabaqa kooxda Eibar, kadib markii uu goolkan ka caawiyay Philippe Coutinho, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad kulanka labada koox ayaa sameeyay dhawr isku dagay oo goolka inkastoo kooxda Barcelona oo ku ciyaareysay garoonkeeda Cump Nou ay ahayd kooxda sameeneysay fursadaha ugu badan.

53 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Lionel Messi ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, kadib caawin uu ka helay saaxiibkiis Luis Suarez.

Markale Luis Suarez ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0, xili caawinta goolkan uu lahaa Sergi Roberto.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-0 ay guul dahabi ah ku gaartay kooxda martida loogu ahaa garoonka Cump Nou ee Barcelona.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.