Golaha Shacabka oo Ansixiyay wax ka badalka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay wax ka badalka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka

Isniin, Janaayo, 14, 2019, (HNN) Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedelka xeerka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Mudaneyaal gaaraya 163 xildhibaan ayaa ogolaaday in wax laga badelo xeerka jalka ay diideen 13 xildhibaan in badel lagu sameeyo xeerka mana jirto cid ka aamusay.

Maxamed Mursal Guddoomiyaha golaha shacabka mudane ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Go’aankan ka soo baxay Golaha shacabka ayaa ogolaanaya in xafiisyada anti dhowrka dalka ay maamuli karaan ajaanibta loo magaaco.

Wuxuuna imanayaa go’aankan xilli ay isa soo tarayeen wararka sheegaya in Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya loo magacaabi doono Ajinabi howlgab ah oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.