Real Madrid oo guul rafaad ah ka gaartay Real Betis.

Real Madrid oo guul rafaad ah ka gaartay Real Betis.

Isniin, Janaayo, 14, 2019, (HNN) Real Madrid ayaa guul cidhiidhi ah ka soo gaadhay kooxda Real Betis iyada oo Dani Ceballos uu noqday xidiga  Santiago Solari ka badbaaday babraro kale oo aanu sharaxaad u heleen kadib markii ay Real Betis la timid goolka barbaraha qaybtii labaad ee kulankan.

Real Madrid ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee sanadkan cusub ee horyaalka La Liga iyada oo waliba ka faa’iidaysatay in kooxda kaalinta afraad ka haysatay ee Alaves ayna guulaysan taas oo Los Blancos ka caawisay in ay kaalinta afraad ee La liga soo gashay.

Karim Benzema ayaa dhaawac gacanta ka soo gaadhay looga saaray kulankan iyada oo waliba Madrid kulanka soo socda la ciyaari doonta Sevilla wuxuuna Solari sugi doonaa xaalada Benzema iyo waliba xidigaha kale ee kooxdiisa dhaawaacyada badan kaga maqnaa.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.