EPL: Hordhaca kullanka Arsenal vs Chelsea, xiddigaha seegi kara kullanka iyo safafka macquulka ah.

EPL: Hordhaca kullanka Arsenal vs Chelsea, xiddigaha seegi kara kullanka iyo safafka macquulka ah.

Sabti, Janaayo, 19, 2019, (HNN) Toddobaadka 23-aad ee Premier League ayaa maanta la ciyaarri doonaa, iyadoo kullanka ugu xiisaha badan toddobaadkan uu yahay midka u dhexeeya kooxaha Arsenal iyo Chelsea.

Labada naadi ayaa caawa fiidkii xilliga geeska Afrika ku wada ciyaari doona garoonka Emirates ee ay ku ciyaarto kooxda Arsenal.

Gunners ayaa dhibaatooyin natiijo xumo ah dhexda kaga jirtay dhowaanahan, waxaana ay qarka u saarrantahay inay ka harto loollanka ku aaddan ku dhammeysiga afarta sare.

Xiddigaha kullankan seegi kara

Arsenal ma qabto dhaawacyo cusub, waxaana kullankan dhaawac ku seegi kara mar kale Rob Holding, Henrik Mkhitaryan iyo Danny Welbeck.

Unai Emery ayaa la fahansanyahay inuu caawa safkiisa dib ugu soo dari doono Mesut Ozil, kaasoo aanan qayb ka noqon Gunners kullankii ugu dambeeyay ee ay qasaaraha kala kulmeen kooxda West Ham United.

Chelsea waxaa dhaawac ciyaartan kaga maqnaanaya laacibkeeda khadka dhexe ee Ruben Loftus-Cheek.

Safafka macquulka ah ee labada koox

Chelsea: Arrizabalaga; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Alonso; Kante, Jorginho, Kovacic; Willian, Hazard, Pedro

Arsenal: Leno; Mustafi, Koscienly, Sokratis; Bellerine, Torriera, Xhaka, Klosinac; Ramsey, Lacazette, Aubameyang

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.