EPL: Hordhaca kullanka Liverpool vs Crystal Palace, xiddigaha la weyn doono iyo safafka macquulka ah.

EPL: Hordhaca kullanka Liverpool vs Crystal Palace, xiddigaha la weyn doono iyo safafka macquulka ah.

Sabti, Janaayo, 19, 2019, (HNN) Hooggaamiyeyaasha Premier League-ga ee Liverpool ayaa soo dhoweyn doona kooxda Crystal Palace.

Ciyaartan ayaa Anfield ka dhici doonta marka saacadda geeska Africa ay gaarto 6pm maqribnimo.

Reds ayaa u baahan guul si ay u kordhiso faqriga dhibcaha ay ku heyso hooggaanka horyaalka, iyagoo gaarsiin kara toddobo dhibcood.

Xiddigaha kullankan ka maqnaanaya

Trent Alexandre-Arnold iyo Giorginio Wijnaldum ayaa labaduba seegi doona kullankan, iyadoo shaki badan la gelinayo Wijnaldum.

Adam Lallana ayaa tababarka kusoo laabtay ka dib dhaawac uu ku maqnaa muddo, balse Dejan Lovren ayaa maqnaan doona illaa dhammaadka bishan.

Crystal Palace waxa ay weyn doontaa goolhayaheeda Wayne Hennesey kaasoo dhaawac qaba, waxaana beddelkiisa noqon doona xiddigga ugu da’da weyn Premier League-ga xilligan ee Julian Speroni.

Safafka macquulka ah ee kusoo billaaban kara

Liverpool: Alisson; Robertson, Dijk, Matip, Milner; Fabinho, Henderson; Shaqiri, Firmino, Mane; Salah.

Crystal Palace: Seporini; Wan-Bissaka, Tomkins, Sakho, Aanholt; Kouyate, Milivojevic, McArthur; Townsend, Ayew, Zaha.

Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

Hiilnews.com

Myuusuf02015@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.